Home Wararka Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya Oo Maanta Gaarey Kismaayo Ayaa Dhagax Dhigey...

Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya Oo Maanta Gaarey Kismaayo Ayaa Dhagax Dhigey Xarunta NISA Ee Jubbaland (Video)

258
0
SHARE

Safiirka dowladda Ingiirska U fadhiya Soomaaliya David Concar oo saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sareeysa ee Jubaland oo ay ka wada hadleen arimo kala duwan oo quseeya amniga iyo horumarka.

Masuuliyiintan ayaa gaaray goob loo asteeyay in laga dhiso xarun tababar oo ku taal nawaaxiga garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaa oo ay si wadajir ah uga dhagaxdhigeen dhismaha xarunta tababarka ciidamada nabadsugidda Jubaland.

Taliyaha nabadsugidda qaranka C/laahi Max’ed Cali (Sanboloolshe), Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa daahfuray dhismaha xarunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here