Home Wararka Siyaasiga Cali Xaaji Warsame Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Amar Maanta Kasoo...

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Amar Maanta Kasoo Baxey Wasaaradda Amniga Ee Puntland

168
0
SHARE

Cali Xaaji Warsame oo horey u soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay go’aanno dowladda ka soo baxay oo siyaasiyiinta Puntland looga hor-joogsanayo in ay yeeshaan shirar ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Cali Xaaji ku sheegay in arintan ay meel ka dhac ku tahay dastuurka Puntland iyo kan Somalia , isaga oo ka digay khatarta arintasi ka dhalan karta.  Qoraalka uu so saaray Cali Xaaji ayaa sidan u qornaa.

19 sano kadib, Puntland waxaa laga filayey in ay maanta joogto heer looga deydo xoriyatul-qowlka iyo ilaalinta xuquuqda qofka iyo bulshada waxayse mareysaa in lagu amro meheradaha iyo hoteelada in aysan qaban karin ama ogolaan karin shir siyaasi ah, waxayna u aqaansadeen in la qabto wax shir ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda mid ka hor imanaya amniga.

Waa sharci-darro warqadaasi, waxayna ka soo horjeedaa dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland, waxayna meel-ka-dhac ku tahay bulshaweynta Puntland iyo xaquuqda mawaadinka dastuurku ilaaliyey.

Sow ayaan-darro maaha in dowlad ku doodeysa in ay diyaar u tahay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka Puntland ku dhisan yahay ay qaado tillaabadaas caburinta ah, ee aysan reer Puntland marna u hogaansameyn.

Maxaa keenay baqdinta intaas le’eg ee ay dowladdu ka baqeyso in ay shacabku ka hadlaan siyaasadda, sow ma xusuustaan in caburinta shacabka hore loogu fashilmey?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here