Home Wararka Banaanbaxyo Waaweyn Oo Lagu Taageeraayo Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Banaanbaxyo Waaweyn Oo Lagu Taageeraayo Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

274
0
SHARE

Wararka Naga Soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu goordhaweyd ka bilowday qeybo kamid ah magaalada, banaan bax aad u balaaran ay ka qeyb qaadanaaan boqolaal dadweyne ah, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa socod ku maraya Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku taageerayaan Xukuumada Soomaaliya.

Banaan baxayaasha ayaa isugu tagaya Taalada Sayidka oo kasoo horjeeda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ku shirsan yihiin, waxaana halkaasi kusii socda boqolaal qof oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo abaabulay banaan baxan lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya, waxaana dadka gaadiid loga soo qaadayaa Degmooyinka gobolka si ay u muujiyaan taageerada ay Xukuumada u hayaan.

Amaanka Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan halka a banaan baxyadu ka socdaan ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka dadka banaan baxa dhigaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here