Home Wararka Weerar Lagu Dilay Labada Nin Oo Oroma Ah Mid Kalana Lagu Dhaawacay...

Weerar Lagu Dilay Labada Nin Oo Oroma Ah Mid Kalana Lagu Dhaawacay Ayaa Ka Dhacey Magalada Hargeysa

366
0
SHARE

Duleedka magaaladda Hargeysa waxaa lagu dilay labo nin oo ka soo jeeda qowmiyada Oromo, mid kalena waa la dhaawacay, Arrinta ayaa lala xiriirinayaa 32 qof oo Soomaali ah oo habeen hore lagu xasuuqay degaanka Hawaadaay ee Bariga dalka Ethiopia

Wasaaradaha arrimaha gudaha ee Somaliland oo ka hadashay Dilka labada nin ee Orormada ayaa sheegtay in dilku uu ka dhacay kontoroolka Caabudla ee galbeedka Hargaysa. Wasaaradu waxau xustay in dadka gudaha ethiopia lagu laayay ay ku jireen ganacsato u dhalatay somaliland oo eheladoodu ay degan yihiin guud ahaan magaalooyinka Somaliland. waxaana Soomaalida la laayay maydadkoodii la keenay magaaladda Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia

Dhinac kale, Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada ee dowlad degaanka Soomaalida ethiopia Maxamed Bille Miig ayaa ku eedeeyay dilka dadka Soomaalida, ciidamada booliska maamulka Oramiya, waxaana uu sheegay in degaanka dilku ka dhacay uu ku yaalo xuduudaha ay wadaagaan maamuladda Soomaalida iyo ororamiya ee Ethiopia

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka ka dhacayay rabshado u dhexeeyay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia. iyadoo qowmiyada oromadu ay ku eedeeyeen Booliska Soomaalida ethiopia in dad oromo ah ay laayeen. waxaa kaloo la sheegayaa in xukuumadda federaalka Ethiopia ay gacan ku leedahay hurinta colaada u dhaxaysa qowmiyadaha ee dhinac xuduuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here