Home Wararka Gantaaal Laga Soo Tuurey Waqooyiga Kuuriya Oo Dulmarey Dalka Jabaan Ayaa Xiisad...

Gantaaal Laga Soo Tuurey Waqooyiga Kuuriya Oo Dulmarey Dalka Jabaan Ayaa Xiisad Ka Dhaliyey Dunida (Video)

288
0
SHARE

Waqooyiga Kuuriya ayaa gantaal ay riday dul marisay Hawada Japan, taasoo ah daandaansigii labaad ee noociisa ay todobaad gudahood dhacda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Kuuriya ayaa sheegay in gantaalkan uu masaafo ahaan gaarayay 770km, isla markaana uu jaray xawaare gaaraya 3,700km, ka hor inta uusan ku dhicin badda hokkaido.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisu uusan marnaba u dulqaan doonin ficilada halista ah ee ka imaanaya waqooyiga Kuuriga.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay gantaalka ay ridday Waqooyiga Kuuriya.

Golaha Ammaanka ayaa dhowaan cunaqabateyn cusub ku soo rogay Waqooyiga Kuuriya, taasoo jawaab u ah tijaabinta gantaalada.

Waqooyiga Kuuriya ayaa ka dhega fureysatay baaqyada beesha caalamka ee ku aadan inay joojiso horumarinta barnaamijkeeda Nuclear iyo tijaabinta gantaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here