Home Wararka Dhageyso Odayaal ku Dhawaqay in Degaano Hoos Taga Degmada Bacaadweyne mudo Halsano...

Dhageyso Odayaal ku Dhawaqay in Degaano Hoos Taga Degmada Bacaadweyne mudo Halsano ah kadib loo fasaxay in Hay,adaha Samafalka ay Gargaar gaarsiiyaan Dadka

162
0
SHARE

Degaanka Qaydara ilaa Bacadweyne waxaa ka jiray khilaaf soo kala dhax  galay Bulshada degankaaas wada daga , waxaana khilaafkaasi uu soo jiitamayay mudo dheer taa oo markii danbe keentay in mudo hal sano ah ay bulshada deganadaasi si iskood ah ay cunaqabatayn isugu soo rogaan iyagoo diiday in deganadaasi ay tagaan wax hay,ado samafal ah madama khilaafka bulshada degnkaasi uu horay u ahaa mid xal laga gaari wayay

Arinta dib ayay iska badashay mudo halsano kadib, waxaa odayaasha deganadaasi ay shaaciyeen in la  gaaray xal kadib markii ay abaartu sii dabo dheratay , dadka rreer miyiga ahana ay u baahdeen in   la gaarsiiyo kaalmo bani adanimo , waxana kulan odayaasha  degankaasi ay qabteen ay ku shaaciyeen in ugu danbeyn lagu guulaystay xalinta khilaafadkii horay u taagna , hadana ay  Maamulka Galmdug, hayadaha samfalka iyo Dowlada Soomaliya ay ka dalbanayan in bulshada deganadaasi gar gaar deg deg

Gudoomiyaha Deegaanka Bacaadweyne Axmed Daahir Macalin ayaa ugu horeyn kulanka ka hadlay waxaana uu sheegay in ay ku guleeysteen sidii loo dhameyn lahaa arimo ka jiray deegaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobalka Mudug taasoo uu tilmaamay in ay keentay in kumanaan qoys oo ku nool degaanadaasi ay soo wajahdo dhibaatooyin nolaleed waxaana Gudoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee ka socday deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ay si isku mid ah ugu baaqeen hay addaha Gar gaarka Dowlad Gobaledka iyo dowlada fadaraalkuba in loo soo gurmado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here