Home Wararka Agaasimaha Duulista Somaliland Oo U Jawaabey Hogaamiyaha Nus Galmudug “Adeer Hargeysa Muqdisho...

Agaasimaha Duulista Somaliland Oo U Jawaabey Hogaamiyaha Nus Galmudug “Adeer Hargeysa Muqdisho Lagama Xukumo”

452
0
SHARE

Shir jaraa’id oo uu qabtay Agaasimaha wasaaradda duulista Somaliland Cumar Sayid ayuu ku shegay inaysan jirin wax diyaarad ah oo DFS ku xanibtay Hargeysa islamarkaasna Madaxweyne Xaaf inuu Madaarka hargeysa joogo ay ogaadeen goor danbe.

“Waxa hawada Somaliland si sharci darro ah u soo gashay diyaarad aan ogolaansho ka haysan wasaaradda duulista Hawada, diyaaraddaas oo markii hore ka degtay madaarka Buuhoodle, mar labaadkiina ka soo kacday oo madaarka Hargeysa timid, marka diyaaraddaas sharci darrada ku timid oo marar horena Buuhoodle timid oo aanu uga dignay in ay Somaliland ogolaansho la’aan ku soo gasho oo aanu raadinaynay ayaa Madaarka Hargeysa lagu qabtay, marka shirkaddoodii ayaa lala hadlayay warqadana waa laga saxeexayay marka intaas ayaa qaadatay afar ama shan saacdood, markii shuruucda la dhammaystirayna diyaaraddii waanu fasaxnay oo sidaas ayay ku qaaday ninkaas Madaxweynaha ah,”

Agaasinka duulista ayaa Sheegay in Dowlada federaalka aysan Madaarka Hargeysa Xukumin kuna xanibi karin Diyaarad sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here