Home Wararka Ciidamada ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Hubeysan Oo Qof Ku Dhaawacay...

Ciidamada ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Hubeysan Oo Qof Ku Dhaawacay Degmada Hodan

117
0
SHARE

Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay labo ruux oo ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo qof ku dhaawacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Labada ruux ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in markii ay qof soo dhaawaceen ay doonayeen inay goobta ka baxsadeen, hase ahaatee Ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo tagay goobta lagu qabtay raggan ayaa u mahad celiyay Ilaalada wasiiru dowlaha ee ka qeyb qaatay in la qabto.

Waxaa uu sheegay in raggan lagu wareejiyay hey’addaha ammaanka dowladda, si ay u soo caddeeyaan cida ay yihiin.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, iyadoo habeen hore degmada Waaberi lagu dilay Jeneraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here