Home Wararka Dhegeyso Xildhibaan Zakariye Oo Sharaxaya Mooshinka Ay Ka Wadaan Dowladda Imaaraadka

Dhegeyso Xildhibaan Zakariye Oo Sharaxaya Mooshinka Ay Ka Wadaan Dowladda Imaaraadka

153
0
SHARE

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka danbeysay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay gudbiyaan Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Mooshinka Imaaraadka uu ahaa in mar hore la gudbiyo, balse ay aad uga raageen, Waxuu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, balse uu isaga aaminsan yahay in Imaaraadka uu u dhaqmo si ka awood badan dowladaha kale isla markaana is laheysiiyay Somalia.

Wuxuu cadeeyay in falal ay u arkeen in ay yihiin qalad uu ku dhaqmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.

Waxa uu intaa raaciyay in aysan ka warqabin in Dowladdiisa ay ogtahay iyo in kale, ayna doonayaan in wax la wanaajiyo, lana xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal, maadaama arrimo badan ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here