Home Wararka Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Markii 6aad Doonaya Inuu Xilka Qabto Iyo Gacan...

Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Markii 6aad Doonaya Inuu Xilka Qabto Iyo Gacan Ka Hadal Dhex Marey Baarlamaanka

160
0
SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Ugandha ayaa Arbacadii shalay markii labaad gacanta isula tagay xili laga doodayey mooshin ay keeneen xisbi xaakimka oo lagu laalayo sharciga qeexaya da’ada murashaxiinta Madaxweynaha.

Dastuurka dalkaasi ayaa qoraya in qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha uu noqdo qof da’adiisu ka yartahay 75 sano.

Madaxweynaha xilka haya Yuweri Museveni ayaa isagu hada jira 73 sano, wuxuuna doonayaa inuu markii lixaad xilkaasi u tartamo doorashada la qorsheeyey inay dhacdo sanadka 2021.

Xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Museveni ee loo yaqaan National Resistance Movement (NRM) ayaa salaasadii Golaha horkeenay mooshin ay ku codsanayaan in la bedalo sharciga da’ada murashaxiinta, iyagoo ku dooday

Waxaase arrintan si weyn uga soo horjeestay xildhibaanada Mucaaridka, arrintaasi oo keentay in gacanta la isula tago.

Kulankii labaad ee dhacay Arbacadii shalay ayaa isaguna kusoo dhamaaday gacan ka hadal kadib markii xildhibaanada mucaaridka iyo muxaafidka ay dhexmartay dood kulul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here