Home Wararka Qeyladhantii Katimi Heshiiskii DP World ee Dekadda Boosaso Qiil Maleedahay Mise Waa...

Qeyladhantii Katimi Heshiiskii DP World ee Dekadda Boosaso Qiil Maleedahay Mise Waa Ujeedo Badan- MAQAAL

237
0
SHARE

Maalmihii u danbeeyey waxaan warbahinta ku aragnay/maqalney shirar lagu qaqbtay Boosaso oo looga soo horjeedo heshiiska DP World ay kula wareegayso Dekadda magaalada Bossaso. Haddaba aniga oo si guud iyo hooseba ula socday habkii heshiiskani kuyimid iyo asalka cabashoyinka hadda jira, ayaan go’aansaday inaan qoralkan kasameyo. Qormadan waxaan ku soo koobi su’aalaha hoose.

  • P&O ama DP World sidaad u taqaanba, waa shirkad noocee?
  • Heshiiska ay kula wareegtay dekada Boosaso nuxurkiisa?
  • Cabashada hadda taagan maxay salka ku haysaa?
  • Gunaanad iyo Xalka

Shirkada DP World

Shirkadda DP World waxa laga leeyahay dalka Isutagga Imaradka Carabta, waxa ay ka howlgashaa in kabadan 40 dal, 78 dakadood oo ay kujiraan kuwa ugu waaweyn caalamka ayey maamushaa. Dakadaha ay maamusho waxa ay kula wareegtay heshiisyo intooda badani isku nuxur ah, oo ah 30 sano in ay maamusho.
Caqabadaha la ogyahay ee ay la kulantay cabasho ilaa maxkamad caalami ah gaartay waxa ay dhexmartay Dowladda Jabuuti, oo ugu danbeyn DP World ku guuleystay. Sanadkii 2012 wakhtigii Cali Cabdala Salax laga saaray Yamen, ayaa mudo yar muran soo dhex galay DP World iyo maamulkii Xuutuyiinta oo ku hanjabay in heshiiska 30 sano ee ay dowladii hore la gashay aysan ixtiraami doonin. Sidookale waxaa iyana jiratay muran kadhashay saxmada dekada Sokhna ee dalka Masar oo u dhexeeyay DP World iyo ganacsatada oo akhiran xal loo helay.

Heshiiska DP World ee Boosaso Nuxurkiisa

Nuxurka heshiiska Puntland iyo DP World wuxuu u qoran yahay in wejiga kowaad ee mashruuca oo socondona 2 sano laga bilaabo marka dakada lagu wareejiryo DPWorld ay kubixi doonto $136M oo dollar. Sida heshiiskan kucad qeybta hore mashruuca waxaa lagu hagajin doona Dekadda hadda jirta iyadoo hoos loo qodi donaa 450m meel ay maraakiibta kusoo xirtaan.

Qeybta labad ee heshiiskan wuxuu qorayaa $200M oo dolar in Dekadda lagu balaarin doono ama lagu dhisi doono Dakad cusub waa hadba sidii la isla gartee. Sida heshiisku qorayo qeybta labaad ee mashruuca ma aha mid fulintiisu ay waajib tahay waa “non-biding agreement” sida English lagu dhaho.

Maxay salka ku haysaa cabashadda cusub ee hadda taagan?

Heshiiskan markii lasaxiixay wuxuu helay soo dhaween aad u balaran. Ganacsatada iyo dadka wax garadka ah meel walba ay joogaan waxay muujiyeen inuu yimi heshiiskan xiligii loo baahnaa. Balse muddadii lasaxiixay kadib waxaa bilowday is barbar orod iyo hadal hayn ka dhalatay lacag layiri DP World baa bixinaysa oo ay dadka qaar ku sheegeen in ay gaareysey $15M dollar qaarna $10M dollar iyo fasiraadyo badan oo laga bixiyay ulajeedada lacagtan loo bixinayo. Dowladii larabay in ay dadka u cadeyso way isku mashquushay. Lacagtani ayaa noqotay middii ugu darneyd ee heshiiskani eersado.

Dadka reer Boosaso qaarkii waxay aamineen in lacagtani lagu bixinayo dhul la sheegay in Dekadda loo burburin doono. Qaar kamida madaxda iyo siyaasiinta Puntland ayaa bilaabay si aan kala joogsi lahayn ay ugu soo qulqulaan Dubai iyagoo lacagtaan ku raad jooga. Waxaa kaloo soo baxay dilaaliin badan oo iyaguna wax doon ah, kuwo xag deegan wax ku doonaya, kuwa hab reer wax ku raadinaya, kuwo maamulka saaxibo la ah oo jakad dowlada xiran. Waxaa hadal heynta ugu badan noqotay lacagtan aanan cadadkeeda cidna garaneyn. Waxaa soo baxay hadalo ah lacagtii Wasiir hebel baa qaaday, hebel baa intaa ka helay, hebelna intaas baa lasiinayaa. Iyadoo wali huuhadu cirkaa marayso ayaa mar qura la maqlay Madaxweyne Gaas oo lacag ku deeqay Garoonka Garowe iyo Jidka Ceel Dahir, Bossaso oo ah meesha magaceeda lagu soo qaday qeybintaas laguma darin, khaladkii kowaad. Intii wax sugeysay qof walba intuu is lahaa lacagta waa tahay $10M ama $15M dollar wuxuu ka jaray intii Madaxweynaha bixiyay, kadibna u tafaxeytay intii hartay.

Waxa xigay khal-khal siyasadeed oo ogu danbeyn galaaftay dowladii markaa jirtay inay dhamanteed dhacdo. Mudo yar kadib waxaa soo noqotay dowladii dhacday intii badneyn, iyadoo sida xildhibano qaar shegeen qeyb kamid ah lacagtii lasoo qaaday dowlada cod loogu iibiyay, khaldkii labaad.

Sida ay wax kusocdaan waxa ay shaki ku abuurtay qeybo kamida bulshada oo u arkay mashruucan mid fashil ku socda oo dilaaliin darajo kala duwan wata garwadeen kanoqdeen. Dowlada waxay ku guuleysan weysay in waxa socda dadka loo sheego.Waxa fursad heshay kutiri kuteentii iyo huuhaadii oo halkii hore kasii xogeysatay, yaan lagaa badin ayeey shakadu noqotay.

Muxuu Yahay Xalku?

Dhinaca Dowlada

  • Waxaa laga rabaa inay arimaha jira si hufan uga hadasho, kalana hadasho dadka miisaanka kuleh bulshada sida isimada, aqoon yahanada iyo wax garadka oo hoos loo eego hadii wax khaldan kujiraan heshiiskii ay soo gashay.
  • Waa inuu jiraa guddi ka madaxbanaan dowlada oo khuburo iyo dad miisan kuleh bulshada ay kujiraan. Gudigan waa mid udhaxeynaya bulshada, dowlada iyo shirkadda oo waxii cabasho loo gudbiyo, korna kalasocoda mashruuca (oversighting role).
  • Waa in mashruucan dowladdu umaa musho si hufan oo loo wada simanyahay oo aanu noqon mid fursadahiisa ay ka faa’idaan in istaqaan oo keliya.
  • Walow dowlada wakhti yar u harsan tahay waa in mashruucan ay u aragto kii lagu xasuusan lahaa ee aysan u arag kii ay xogaa dhaqaale ah ka sameyn lahayd.

Dhinaca Shacabka Cabanaya

Mashruuc walba wuxuu yeelankaraa dheef iyo dhibaato, sii loo xaqiijiyo dheefta waxaa muhiim ah in danta guud lawada eego. qofkii qaba in uu khalad sixid u baahan jiro waa in si aqoon ku jirto oo qodobeeysan bulshada inteeda kale oo ay kujiraan Ganacsatada iyo Culumada uu ula qeybsado, iyadoo aanan la reerayn, la siyaasadeen shir jara’idna wax lagu sixin.

Waxaa aad iila qaldan in la yiraahdo Dowlada Federal hana soo dhexgasho. Waxanu ognahay in Federaal iyada qudheeda ay Dekadii iyo airport wadanka ugu weynaa ku
wareejisay shirkado khaas loo leeyahay oo aanan caalami aheyn kana diiwaan gashaneen suuqyada calaamka.

Sidaan soo sheegnay hadii layiri 330 M dollar baa wadanka galaysa, sida muuqata inta harsan oo wali iman baa ka badan inta yar ee hadda muranka keentay. Haddaba fursad hala siiyo oo hala eego waxa qabsooma 2 sano kadib. Haloo turo dhalinta shaqo la’aanta ah oo fursadahan oo kale rajo galiyeen, dowladani wey tagi, dhulkuna waa hari.

Waxaa hubaal ah ganacasto Soamaaliyeed oo isutaga ama cid lasoo baryo inaan Dekad lagu dhisi karin, sidoo kale cidna bilaash kuugu dhiseyn. Waxa hasda haboon in laga fakero sidaan waxsoosaar u sameyn laheyn, hadiiba dekeda labaalariyo. Haddaan ku jirno sidaan Dekada u isticmalno hadda oo ah in halaha dalka xawilaad kusoo gasha Bagaash lagadhigo oo Doonyo yaryarna lagu geeyo wadanka kadibna iyagoo faaruqa soo noqdaan. Taas fakhriga iyo shaqo la’aanta loogama baxayo.

Wabilaahi towfiiq
Axmed Xaji Maxamud
Axmey_m@hotmail.com

ISHA Horseedmedia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here