Home Wararka Wasiirka Amniga Oo Xilka Ka Qaadey Taliyeyaasha Amniga Ee Degmada Xamraweyne, Xabsigane...

Wasiirka Amniga Oo Xilka Ka Qaadey Taliyeyaasha Amniga Ee Degmada Xamraweyne, Xabsigane U Taxaabey…

364
0
SHARE

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar weyne, kadib markii maanta la soo gaba gabeeyay Baaritaanka dhacdadii Degmada Xamar weyne.

Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in baaritaan uu ku socdo gaari looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay falkaas.

Wasiir Islow, ayaa sidoo kale sheegay inay xiran yihiin in ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ku eedeysan dayacitaanka shaqada qaranka, maadaama meesha dilka uu ka dhacay meel ku dhaw ay ku qornaayeen ciidan, balse ay ka maqnaayeen.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Batuule Gabale, oo Arbacadii lagu dilay Degmada Xamar weyne, waxaana shaqsigaasi iyo gaarigii uu watay ku socoto Baaris.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay inuusan jiri doonin masuul Dowladeed oo xilka iska haynaya, isaga oo aanan si dhab ah u gudan waajibaadka shaqo ee saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here