Home Wararka Somalilan Oo War Kasoo Saartey Dhaqan Galka Sharciga Isgaarsiinta

Somalilan Oo War Kasoo Saartey Dhaqan Galka Sharciga Isgaarsiinta

282
0
SHARE

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Maamulka Somaliland Mustafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo dhowaan uu saxiixay uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah. “Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso. Marka anaga nagama xiri karaan. Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay.” Wuxu wasiir Mustafe sheegay in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa. “Wax dhibaato ah kama soo gaareyso. Waan la socodsiinay madaxdooda”, ayuu yiri wasiirka. Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hasse ahaatee baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan, Wuxuuna Saamayn toos ah ku leeyahay Dhamaan Shirkadaha isgaadhsiinta dalka, Waxaana Xusid mudan inay dhamaan o Isticmaalan Furaha Soomaaliya ee 252.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here