Home Wararka AKHRISO:-QODOBADA LA ISKU AFGARTAY SHIRKA MAGAALADDA KISMAAYO

AKHRISO:-QODOBADA LA ISKU AFGARTAY SHIRKA MAGAALADDA KISMAAYO

191
0
SHARE

Maaaladda Kismayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa wali ka socda shirka u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Jubba-land oo marti galiyaasha ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Magaaladda Kismaayo islamarkaana ay jiraan qodobo aan weli la isku Afgaran oo ka doodistoodu socoto.

Qodobada qaar ee Madaxda Maamul Gobolleedyadu isku raaceen waxaa kamid ah.

1- in la aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- in Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- in Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.

Shirka ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Magaaladda Kismaayo islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here