Home Wararka GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO SOO BANDHIGAY TIRADA GUUD EE COD-BIXIYEYAASHA

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO SOO BANDHIGAY TIRADA GUUD EE COD-BIXIYEYAASHA

143
0
SHARE

 Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay tirada dadka xaqa u leh in ay ka Qayb-galaan Doorashada Somaliland ka dhaceysa Bisha soo socota ee November, 2017-ka.

Warbixinta ay guddigu kusoo bandhigeen tirada shacabka codobixinaya ay ka imaanayaan Gobollad, iyadoo Gobol kasta degmooyinkiisa loo sameeyay dadkii iska diiwaan-geliyay, isla mrkaana la sheegayo wadarta gobol kasta ka codeyneysa.

Sidoo kale, Guddigu waxy sheegeen in tirada rasmiga ah ee isku diiwaan-gelisay Doorashada Madaxtinimada Somaliland ay gaarayaan 704,089-qof kuwaasoo ka qayb-geli doona Doorashada dhacaysa.

Dhanka kale, Doorashada Madaxnimada Somaliland, waxay dhaceysaa 13-ka November-ta soo socota, waxaana ku tartamaya Musharraxiinta kala ah; Muuse, Biixi, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo oo kala metelaya Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID.

Ugu dambeyn, Ololaha Doorashooyinka oo aad u kulul ayaa xilligan ka socda Magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo ay wadaan musharraxiinta saddexda saddex xisbi ee doorashada ku loolami doona.

AKHRISO; Shaxda Dadka Codeynaya ee lasoo Bandhigay;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here