Home Wararka SAWIRRO:Madaxweynaha oo dhiig u shubay dadkii qaraxyada ku dhaawacmay

SAWIRRO:Madaxweynaha oo dhiig u shubay dadkii qaraxyada ku dhaawacmay

318
0
SHARE

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saaka dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxii cuslaa ee shalay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tagay qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho, ayaa dhiig u shubay dadkii ay waxyeelada soo gaartay, waxaana sawiro laga soo qaadaayay la arkaayay Madaxweynaha oo dhiig shubaya.

Farmaajo ayaa indhihiisa ku soo arkay dadka dhaawacyada kala duwan qaba iyo maydadka dadkii ku baaba’ay qaraxii xasuuqa ahaa ee Isgoyska Zoobe ka dhacay.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa sidoo kale tagay halka qaraxa uu ka dhacay shalay ee Isgoyska Zoobe, waxayna indhahooda ku arkeen goobtii shacabka lagu xasuuqay.

Waxaa socda gurmad kala duwan oo loo fidinaayo dadka dhibaatada ay soo gaartay, waxaana Isbitaalada gaaraya dad kala duwan oo la diyaar ah inay bixiyaan dhiig si shacabka dhibaatada soo gaartay loogu gurmado.

Dowladda Somaliya ayaa laga doonaayo ka jawaabista ficilka lagu xasuuqay shacabka Somaliyed, iyadoo dhacdadan ay noqotay mid murugo xanuun badan ku reebtay dadka Somaliyed oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here