Home Wararka Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

134
0
SHARE

Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Recep Akdag, ayaa waxaa saakay lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, markii ugu horeysay.

Wasiirka, ayaa la sheegay inuu la socdo diyaarad uu Turkiga u soo diray Magaalada Muqdisho, iyadoona la fillaayo inay ka qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Wasiirka Caafimaadka Turkiga uu la socdo diyaaradda lagu wada in ay dhaawacyada halista ahi ka daadgureyso Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa waxa uu Axadii amray in si deg deg ahi Magaalada Muqdisho loogu diro diyaarad sida agab caafimaad iyo dawo, si wax loogu qabto dadkii ku dhaawacmay ismiidaamintii ka dhacday Caasimadda Muqdisho.

İbrahim Kalın, Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga, ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu amray in gacan loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay falkii wuxuushnimada lahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoope.

Madaxweyne Erdogan, ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee amra in si deg dega gargaar loogu fidiyo boqolaalka ruux, ee ku dhaawacmay weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa ee Muqdisho ka dhaca.

Dowladda Somaliya, ayaa xalay shaacisay in 276 ruux ay ku dhinteen qaraxii ismiidaaminta ee Sabtidii ruxay Isgoyska Zoope, halka 300 oo kalena ay ku dhaawacantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here