Home Wararka Maamul Goboledyada dalka ka jira oo digniin adag u jeediyay dowladda dhexe

Maamul Goboledyada dalka ka jira oo digniin adag u jeediyay dowladda dhexe

116
0
SHARE

War qoraal ah oo ay soo saareen Golaha ay ku midoobeen Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, ayaa waxaa si wayn loogu dhaliilay Dowladda Federalka Somaliya.

Qoraalka Wadajirka ah ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada ay soo saareen, ayaa waxa ay ku sheegeen Dowladda Somaaliya inay dayacday ammaanka dalka, taa bedelkeedana ay ku mashquulsan tahay Siyaasaddo kale.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay uga digayaan faragelin ay sheegeen in lagu haayo Maamul Goboledyada dalka ka jira, gaar ahaan in la doonaayo xilka in laga qaado Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen Golaha in nidaamka Federalka dalka uu galayo xaalad halis ah oo ka duwan sidii lagu yaqaanay.

Golaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Kulan wadatashi ah oo looga arinsanaayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Warmurtiyeedka ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa wuxuu u qornaa sidan:

 

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here