Home Wararka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Sudan

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Sudan

132
0
SHARE

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Sudan, kadib markii casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Wafdiga Gudoomiye Jawaari oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Garoonka Muqdisho waxaa ku sii sagootiyay Xubno ka tirsan Dowladda.

Jawaari ayaa marka uu gaaro dalka Sudan wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Gudooomyaha Baarlamaanka dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha ku saabsan labada dal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Sudan, sidoo kale kulamo la qaadan doona Jaaliyadda Somaliyed ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Safarka ku wehliya Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in dhawr maalin kadib dalka ay ku soo laaban doonaan, marka ay u soo idlaato booqashada ay ku tagayaan dalka Sudan.

Dowladda Sudan ayaa ka mid ah saaxiibada Somaliya, waxaana jira xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya labada Dowladood ee Sudan iyo Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here