Home Wararka Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka

75
0
SHARE

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaw wuxuu gaaray xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo halkaasi Salaa sharaf uu kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Farmaajo ayaa halkaasi wuxuu kula hadlay ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee u diyaarsa difaaca dalka iyo la dagaalanka Ururka Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha iyo ciidanka wuxuu u sheegay inay isku diyaariyaan qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka al Shabaa.

Si guud dalka waxaa uga socda dhaqdhaqaaqa la xiriira dagaalka ka dhanka ah Ururka Shabaab oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom.

Farmaajo ayaa intii uu usii socday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya waxaa loo xiray wadada, waxaana ciriiri ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here