Home Wararka Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Amisom ka Dalbatay in Ciidamo la geeyo Cadaado,...

Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Amisom ka Dalbatay in Ciidamo la geeyo Cadaado, iyo Amisom oo Shaacisay in Cadaado ciidan la geynayo

99
0
SHARE

Boqolaal Askari oo ka mid ah Ciidamada Dalka Jabuuti ayaa la xaqiijiyay in ay dhawaan soo gaari doonaan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.

Ciidamadaan oo ka mid ah holwgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sida la sheegay waxaa dalbatay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka mid ah Saktarka 5,aad ee Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa tababar u socday mudo loogu soo xiray gudaha dalkaas kuwas oo intas ka dib u soo duuli doona Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jabuuti Generaal  Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talo galay in la geeyo Magaalada Cadaado kadib codsi ka yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba Magaalada Cadaado ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad Siayasadeed oo ka dhalatay khilaafka hoggaanka ugu sareysa Maamulkaas oo ku sugan Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here