Home Wararka Wasiiru Dowlaha Cafimaadka Puntland oo Safar Dheer Kusoo Maray Degaanada Bariga Gobolka...

Wasiiru Dowlaha Cafimaadka Puntland oo Safar Dheer Kusoo Maray Degaanada Bariga Gobolka Mudug

447
0
SHARE

Wasiiru Dowalada Cafimaadka Puntland Sayid omer jama guled ayaa booqasho ku tagay degaanada bariga mudug kaas oo uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jiro degaanadaas waxa uu safarkisa kusoo maray degaanda kale ah Ceeldhanaane,Buq qalooc,Buuwi,Xiingaras ,Galhagoog,Dhinowda wuxuna safarkisa kusoo gabogabeeyey degmada Towfiiq ee bariga mudug wuxu sidoo kale dhagax dhigay mashaariic ay ka mid yihin qeybo lagu kordhinayo hospitalki degmada sidoo kale wuxu sheegay in dhawaan gaarigi ambalaska degmada uu Usoo gaari doono wuuxuna qurba joogta ku baraarujiyey sida wax looga qaban lahaa degmada xaga horumarka o ay ugu horeeso dhinaca wadada dheer ee isku xirto degmada Towfiiq ilaa Seemada taas oo uu burbur baahsan ka muuqdo

wuxuuna sidoo kale qeybaha bulshada uu ku dhaqan degmada ka dhageestay wixi baahiya ah oo degaanadaas ka jira asaga u balan qaaday in uu marka uu ku laabto Garoowe hor dhigi doono golaha wasiirada waxa uu kusoo arkay degaanada uu kusoo maray safarkisa si baahiyaha degdeg ah looga soo jawaabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here