Home Wararka Wararkii Ugau Dambeeyey Xalaada Magaalada Ceeri Gaabo Oo Ay Ka Socdaan Mudaaharaadyo

Wararkii Ugau Dambeeyey Xalaada Magaalada Ceeri Gaabo Oo Ay Ka Socdaan Mudaaharaadyo

111
0
SHARE

Mudaharaad balaaran oo la iskugu soo baxay bartamaha magaalada Ceerigaabo ayaa ka socda magaaladaasi, Booliiska ayaa rasaas nool u adeegsaday shacabka mudaharaadaya.

Mudaharaadkani ayaa la sheegayaa inuu bilaabmay markii Madaxwayne Muuse Biixi amar kubixiyay in lasoo qabto Taliye Caare oo ka tirsan Beesha Habaryoonis oo hanjabaad kula kacay Sargaal kasareeya oo maamula ciidanka Somaliland Ee Sanaag Sargaalkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Fanax kana soo jeeda Beesha Habarjeclo.

Mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqaya “Jeegaantu ha dhacdo” iyo erayo ku lid ah Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.

Mid ka mida Odayaasha Ceergaabo ayaa sheegay in Mudaharaadka oo sida isdaba jooga ah maalmahani shacabku udhigayaani ka turjumayo xaalada Deegaankaasi oo kasii dartay wuxuuna ka digay in dagaalka beelaha walaalaha ah ee Habarjeclo Iyo Habaryoonis usoo fado magaalooyinka waawayn.

Ceel-afwayn iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa maanta laga jaray KhadkiI Taleefanada, Iyadoo aysan ka jirin Isgaadhsiintu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here